Xishood iyo murugo jaceyl
Waxaa qortay: Ayaan Maxamed Xasan
Horudhac:
Wey adag tahay qof aad jeceshahay ood ku hamiyeyso inaad sheeko wadaag la noqotid, hadana intaad hortiisa istaagto aad u sheegi laheyd waxa aad qalbigga ugu heyso. Misna ka baqeysid inuu kugu gacan seyro, kuna yiraahdo errayo aan kuu qalmin. Dabcan ma sahlana. Waase halkii ay hees ku tiri fannaanaddii Khadro Daahir Cige” Afka kama cadeyn karro ergana uma diran karro caashaqu ogeysiis ma leeyahay?. Sheekaddan la magac baxday Xishood iyo murugo jaceyl, waa sheeko ku saabsan gabar da’yar oo lugu magacaabo Muna C/laahi. Waxey Muno aheyd ardayad xilligaaasi dhiganeysay fasalka 2aad Dug/ sare ee Cismaan Geedi Raage ee ku yiilay degmadda H/wadaag. Waxey iyadoon is ogeyn ka war heshay iney jeceshahay uun mid kamid ah wiilasha ay isku iskuulka ahaayeen. Qisadani waxey dhacday bartamihii sanadhii1980 maadkii.
Muno subax walba waxaa ka soo hor baxa oo ay indhaha uun ka eegtaa Cabdiqani oo ah wiil kamid ah dhalinyaradda ugu shidan iskuulka. Islaweynin iyo kibir ku jira awgeed asxaabtiisa waa ka dambeeyaan, gabdho iyo wiilalna meeshuu joogo ayey ku soo shamuumaan siddii quraansho meel ku urruurtay. Muuqaalkiisa ayaa sheegaya inuu yahay nin ladan wiilkiis. Haddaba xaalka Muna iyo wiilkaa kibirka badan sida calafka iyo caashuquba iskugu keeno ama u kala geeyo kaga boggo shabakadda CodkaXorriyadda:net. Qoraha sheekadan oo lafteeda xog ogoal u aheyd qeybo badan oo qisadaan ku saabsan ayaa ugu deeqday boggan Codkaxorriyadda.Net in la soo bandhigo. Waana tallaabo aan mahad gaar ah u celineyno Ayaan Maxamed Xassan. Markale mahadsanid. Waxaanu ku leenahay halkaa ka sii wad da daalkaaga aad qalinka ugu qaadatay inaad qorto sheekooyinka ku saabsan Arrimaha Bulshadda.
Sheekadaan waxey xaquuqdeeda u dhowran tahay bogga Codka Xorriyadda iyo qorahaba. Ciddii daneyneyso iney sheekadan daabacato ama ku soo bandhigto aaladaha kala duwan ee warbaahinta hala soo xirriiraan Ayaan Maxamed Xassan.
La soco qeybta 1aad goor dhow haddii Alla idmo
Wixii tallo iyo tusaaleba ah ku soo hagaaji
webmaster@codkaxorriyadda.net
















waxaan rabaa inaan noqodo mucaashaq weyn oo katirsan mucaashaqiinta
Soo dhawoow walaal Mucaashiq! Hadaad xiiseyneyso sheekooyinkaas imw waan soo daabii doonaa insha Allaah
asc wll
Wcs walaalaasheen Khadro.
Soo dhawoow wixii aad su’aalo qabtid.
asc walal waan idin salamay maxaa ku dhacay sheekadii XISHOODIYO MURUGO JACEYL miyaad joojiseen
Wcs walaal Leylo
Lama joojin sheekada insha Allaah berito oo jimco ah ayaan soo daabaceynaa.Gabdhada qoraha ah ayaa dib u dhaca xaggeeda ka yimid.
Adiga iyo akhristeyaasha kale ee dulqaad u yeeshay iney sugaan muddo dheer waan idiin kaga cudur daaraneynaa dib u dhacaaa.
CX Team
Jeceelku maxuu oo gu dhacaa Artayda
asc walal wa idin salaamay waxaan idinka codsanaa codkaxorriyada inaad sheekada maalin walbo noo soo qortaan wey nagu socotaa shekadee hanaga kala goyninee walal wasalaamu celeykum